Waraysi: Daadadka qaaday magaalada Houston
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Waraysi: Daadadka qaaday magaalada Houston

Daadad waayay ayaa qaaday magaalada Houston oo ah ta afraad ee ugu wayn dalka Maraykanka, waxaanay wakaaladda saadaasha hawada Maraykanku sheegtay in duufaankani daadadka dhaliyay uu yahay kii ugu weynaa ee soo mara taariikhda gobolka Texas ee magaaladaasi ku taal.

Wadooyinka waaweyn ayaa noqday webiyo sidooda u uugaamaya oo aan la mari karin, waxaana haatan dadka samata bixinaya ilaa labaatan diyaaradaha kuwa qumaatiga u kaca ah oo kumanaanka qof ee guryaha dushooda u baxay lagu daad guranayo.

Maxamed Cismaan oo degan magaaladaas ayaa hadaba goor dhawayd uga waramay werihayaga Maxamed Xaaji Xuseen Shiine, sida haatan xaaladdu tahay.