Maxaa looga hadli doona shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay?
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Maxaa looga hadli doona shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay?

Magaalada New York ee waddanka Mareykanka waxaa ka bilowday kulammada hordhaca ah ee loogu gogol xaarayo shirweynaha 72-aad ee Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay oo lagu wado inuu furmo 19-ka bishan.

Arrimaha ugu waa weyn ee lagu wado in ay madaxdu ka wada hadlaan ayaa waxaa ka mid ah: kala duwanaanshaha noolaha, tamarta, maamulka, horumarka la joogteeyo, keymaha iyo yareynta qiiqa hawada lagu sii daayo iyo isbadelka cimilada.

Haddaba si aan wax badan umuurtan uga ogaanno ayaa waxaannu wareysannay Ahmed Xirsi oo ka faalooda arrimaha caalamka, oo u warramay weriyaha BBC-da Maxamed Xaaji Xuseen Shiine.