Trump oo beeniyey heshiis la sheegay inuu Dimurqaadiga la galay

Trump iyo Nancy Pelosi Lahaanshaha sawirka DOD/MARIANIQUE SANTOS
Image caption Trump iyo Nancy Pelosi

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, aya beeniyey in uu madax sarasare oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga la gaadhay heshiis lagu daryeelayo carruurta sharci darrada ku soo gashay dalka Maraykanka.

Trump wuxu yidhi "marka hore waa in la isla meel dhigaa qorshe buuxa oo nabadgelyada xuduudaha ah hadii la doonayo in aan aqbalo" qorshahan lagu daryeelayo muhaajiriinta da'yarta ah.

Xubno sar sare oo ka tirsan xildhibaanada xisbiga Dimuqraadiga ugu jira aqalka Congress-ka oo ay ka midyihiin Nancy Pelosi iyo Chuck Schumer ayaa wadahadal ay la yeesheen Trump Arbacadii ka dib shaaciyey heshiiskaa laga gaadhay da'yartaa muhaajiriinta ah oo loo yaqaan "Dreamers"

Waxay sheegeen in qorshuhu yahay in aan heshiiskan lagu darin qorshaha madaxweynaha ee ah in gidaar laga dhiso xadka dalku la leeyahay Mexico. Hase yeeshee Trump ayaa sheegay in gidaarkaa la dhisi doono.

Trump iyo xisbiga dimuqraadiga oo ka heshiiyay da'yarta muhaajiriinta ah