Nigeria: Urur gooni u goosad ah oo milatariga eedeeyey

Mudaharaadayaal taageersan gooni u goosashada Biafra

Xigashada Sawirka, .

Qoraalka sawirka,

Mudaharaadayaal taageersan gooni u goosashada Biafra

Ururka u dagaalama madaxbannaanida gobolka ay aqalabiyadiisu tahay qoomiyadda Igbo ayaa warbixin uu soo saaray milatariga Nigeria ku tilmaamay wax lagu qoslo.

Todobaadkan horraantiisii ayaa kooxda iyo ciidanka waxa dhex maray isku dhacyo lagu hoobtay, waxaanay taasi xiisad ka abuurtay dalka oo dhan.

Af-hayeen u hadlay dadka qoomiyada gobolkaa Biafra ku dhaqan ayaa ku tilmaamay eedaynta ciidanku ku eedeeyey ururkaas inuu yahay mid argagixiso ah wax lagu qoslo.

Warbixintaas ciidanka Nigeria soo saaray ee lagu sheegay in ururkaasi yahay mid argagixiso ah, ayaa sidoo kale lagu sheegay in ururku samaystay, koox si gaara u tabobaran oo doonaysay in ay si buuxda isku hubayso.

Laakiin Prince Emmanuel Kanu, oo ah nin ay walaalo yihiin hogaamiyaha kooxda gooni u goosadka ah ee Nnamdi Kanu, ayaa BBC-da u sheegay in ururku aanu ahayn mid colaad u taagan oo aanu doonayn in uu dagaal galo. Wuxu sheegay in ay doonayaan in gobolka ku yaal koonfur bari dalku uu nodo mid madax banaan maadaama buu yidhi uu "cadaab ka mutay" Nigeria.

Ururkan oo lagu magacaabo The Indigenous People of Biafra (IPOB) ayaa sheegay in aan la garanayn halka lagu hayo hogaamiyahoodii Nnamdi Kanu oo milatarigu kala baxay gurigiisa oo ku yaal magaalada Umuahisa.

Ciidamada nabad gelyadu se waxay sheegeen in aanay xidhin ninkaas isaga ah.

Dhanka kalena xasiloonidii ayaa ku soo noqonaysa guud ahaan Nigeria oo dhan, laakiin weli waxa ay bandoo saarantahay magaalada Aba ee ku taal dhanka koonfur bari iyo magaalada Jos oo iyadna ku taal badhtamaha dalka oo ay ka dhaceen shaqaaqooyin uu ku lug leeyahay dhaqdhaqaaqan gooni u goosadka ahi.