Boorama: Roobabkii da'ay iyo dalagga beeralaydu filayso
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Boorama: Roobabkii da'ay iyo dalagga beeralaydu filayso

Degmada Boorama oo dadkeedu ay u badan yihiin beeraley iyo xoola dhaqato ayaa waxaa xilligan oo roobab fiicani da'ayaan ka socota hawsha beeraleydu ay ku beerayaan dalagyo kala duwan.

Deegaanno ka tirsan Jamhuuriyadda Iskeed ugu dhawaaqday madax bannaanida ee Somaliland ayaa waxaa sanadkan ku dhuftay abaar ba'an taasoo saamaysay dad iyo duunyaba.

Duqa magaalada Boorama Maxamed Xuseen Maydhane oo BBC-da u warramay ayaa sheegay in wax soo saar wanaagsan ay xilligan ka filayaan beeraha.

Weriyaha BBC ee Hargeysa Axmed Saciid Cige ayuu uga warramay saraca beeraha degmadaasi iyo weliba sida magaalada u ballaadhaneyso marba marka ka sii danbeeya.