Shiinaha oo indhihii reer Galbeedka kuwo ka duwan ku eegaya Afrika
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Shiinaha oo indhihii reer Galbeedka kuwo ka duwan ku eegaya Afrika

Sanadihii u danbeeyey waxa sii kordhayey xidhiidhka Shiinuhu la leeyahay qaaradda Afrika, waxaana isa soo taraya dedaalka Shiinuhu ugu jiro inuu si haboon u fahmo dhaqamada kala duwan ee quruumaha Afrika.

Magaalada Beijing ayaa dhawaan waxa lagu qabtay shir ay iskugu yimaadeen wasaaradaha Shiinaha ee arrimaha dibada, waxbarashada iyo aqoonyahanno ka socday Jaamacado dalkaas ku yaal iyo hay'ado kale oo dawladeed.

Aqoonyahannada Shiinaha iyo kuwo Afrikaan ah ayaa ka wada xaajoodey baahida loo qabo in dib loo qaabeeyo culuumta lagu dhigo xarumaha tacliinta saree Shiinaha ee lagu barto Afrika iyo dhaqannadeeda.

Dr Hodan Osman Abdi oo wax ka dhigta jaamacadda Zhejiang Normal University, Kana Ah cilmi baare ku takhasusay xidhiidhka Afrika iyo Shiinaha, oo ka shaqeesa machadka culuumta Afrika ayaa ka qayb gashay shirkaas, Cabdixaafid Cawil Ismaaciil ayey uga warrantay ujeedooyinka shirkaas iyo wixii lagu lafo guray.