Muxuu yahay aasaaska aftida madax bannaanida Kurdiyiinta Ciraaq?

Waxaa qoray Michael Knights oo ka tirsan mac-hadka Washington ee Siyaasadda Bariga Dhaw

Kurdiyiinta Ciraaq Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Kurdiyiinta Ciraaq ayaa muddo raadinayay madax bannaani

25-ka bishan September, dadka ku nool deegaannada ay Kurdiyiinta ka maamulaan dalka Ciraaq ayaa fursad u heli doono inay codkooda ka dhiibtaan afti ku aaddan masiirka Gobolka Kurdiyiinta ee magaciisa loo soo gaabiyo (KRI).

Warqadda codeynta aftida ayaa dadka lagu weydiin doonaa "Ma rabtaa in gobolka Kurdistan iyo deegaannada kale ee ay degan yihiin Kurdiyiinta ee ka baxsan gobolkaas ay noqdaan dal ka madax bannaan Ciraaq?"

Maadaama aqlabiyadda codbixiyayaasha ku nool deegaannadaasi ay yihiin Kurdiyiin intii mudda ah doonayay madax bannaani, waxay u badan tahay in natiijada ay noqoto "haa".

Haseyeeshee, go'aan kasta oo kasoo baxa aftidaasi ayaan yeelan doonin saamayn maamul.

Ma jiro hannaan la garanayo oo qeyb ka mid ah Ciraaq ay uga bixi karto dalka intiisa kale, sidaa awgeed aftidu ma ahaan doonto mid gobolka Kurdistan uu uga baxo Ciraaq, si la mid ah ka bixitaanka Britain ee Midowga Yurub.

Hadaba waxaa la is weydiin karaa, maxaa loo qabanayaa aftida, maxaase kusoo beegay xilligan?

Fekradda aftida

Siyaasadda gudaha ee gobolka Kurdistan ayaa qaabaysay waqtiga ay dhacayso aftida.

Madaxweynaha gobolkaasi, Mascuud Barzani ayaa xilka haya muddo ka badan waqtigii loogu talagalay, waxaana uu doonayaa inuu billaabo hannaanka madax bannaanida ka hor inta aanu xilka ka degin, inta ay socoto doorashada loo asteeyay 1-da November.

Sababta kale oo aftida loo qabanayo ayaa ah in la sameeyo awood cusub oo ay Kurdiyiinta ku helayaan taageero caalami ah si ugu dambeyntii ay uga xaajoodaan ka go'itaanka Ciraaq iyo ku dhawaaqidda dal cusub oo ay aqoonsan tahay Qaramada Midoobay, taas oo qaadan karto shanta ilaa tobonka sano ee soo socota.

KRI ayaa ahaa gobol maamulkiisa u madaxa bannaan tan iyo markii ay ciidamadii Sadaam Xuseen ka baxeen qeybo ka mid ah waqooyiga Ciraaq dhammaadkii dagaalkii gacanta ee 1991, waxaana Kurdiyiinta ay samaysteen baarlamaan, gole wasiiro iyo ciidamo u gaar ah. Xitaa waxay isticmaali jireen lacag ka duwan midda Ciraaqdii Sadaam, ayagoona 17% ka heli jiray dhakhliga shidaalka ka dib heshiis ay garwadeen ka ahayd Qaramada Midoobay.

Qaar badan oo ka mid ah Kurdiyiinta ayaa jeclaan lahaa inuu sii socdo heshiiskaasi. KRI ayaa si ku meelgaar ah dib ugu laabatay Ciraaq markii uu bilowday duulaankii uu Maraykanka horkacayay sanadkii 2003, ayadoo Maraykanka iyo Ciraaq ay u ballanqaadeen in gobolka uu sii wadan doono ismaamulkiisa, loona qoondeyn doono qeyb ka mid ah dhakhliga shidaalka federaalka, ayna billaabi doonaan wadaxaajood ku aaddan soohdimo joogta ah iyo suuragalnimada in gobolka uu ka madax bannaanaado xukuumadda Baqdaad.

Haseyeeshee Baqdaad ayaa bilowday inay muran geliso ismaamulka KRI, wadaxaajoodkiina wuu socon waayay. Madaxweyne Mascuud Barzani ayaa dhawaan ku tilmaamay go'aanka ay kaga sii mid ahaanayeen Ciraaq inuu ahaa "khalad weyn".

Madax bannaani la'aan

14-kii sano ee lasoo dhaafay, Kurdiyiinta ayaa ballaariyay deegaannada ay gacanta ku hayaan, waxaana maamulkoodu ku baahay deegaanno leh keyd shidaal ama kuwo dadka u badan aanay Kurdi ahayn, sida gobolka Kirkuk.

Kurdiyiinta ayaa sidoo kale dhisay dhuun maalintiiba dhoofin karta shidaal dhan 600,000 oo foosto, ka dib maalgashi caalami ah oo ay heleen, waxaana shidaalkaasi ay ku dhoofiyaan dhuumaha sii mara Turkiga ee ku xira badda Mediterranean-ka. Mashruucani ayaa guul muhiim u ah shacab aan dal lahayn oo ay ku xeeran yihiin dalal ka shakisan.

Balse KRI ayaan weli lahayn astaamaha lagu yaqaan dal.

Gobolkan ayaan heli karin lacagaha amaahda ah ee wadamada la siiyo oo leh dulsaar macquul ah, ama shahaadooyin loogu ogolaanayo inuu ku soo dhoofsado hubka, si la mid ah dalalka ay aqoonsan tahay Qaramada Midoobay. Shidaalka uu iibiyo gobolkaasi ayaa mararka qaar waxaa tallaabo sharci ah ugu hanjabo xukuumadda Baqdaad.

Baqdaad ayaa maamusha hawada KRI, halka dadka degan gobolka ay ku qasban yihiin adeegsiga baasaboorka Ciraaq ayna wajahayaan xayiraadaha lagu soo rogo muwaadiniint, inkastoo ammaan ahaan uu gobolkaasi ka wanaagsan yahay Ciraaq inteeda kale.

Maxaa xiga?

Hogaanka KRI ayay u badan tahay inuu qabto aftida, maadaama Ciraaq, Turkiga, Iiraan iyo Beesha Caalamkaba ay ku guuldaraysteen inay adeegsadaan hanjabaad iyo ballanqaad wax ku ool ah si dib loogu dhigo aftida.

Turkiga ayaa afka ka dhaliili doona aftida, balse waxay u badan tahay in aanu ka xiran soohdinta ama dhoofinta shidaalka muhiimka u ah gobolkaasi. Iiraan, federaalka Ciraaq iyo maleeshiyaad Shiicada ah ee gacanta ka hela Iiraan ayay u badan tahay in aanay si weyn ugu hanjabi karin difaaca Kurdiyiinta ee sida fiican u diyaarsan.

Lahaanshaha sawirka SADIKGULEC
Image caption Aftida ayaan isbedel abuuri doonin

Iiraan iyo Turkiga ayay u badan tahay inay xoogga saari doonaan sidii ay u hubin lahaayeen in aftidaasi aanay dhiirigelin Kurdiyiinta labadooda dal iyo weliba kuwa Suuriya, oo aanay billaabin dadaallo ballaaran oo gooni u goosad ah.

Qaar badan oo ka mid ah siyaasiyiin sare oo Ciraaqi ah ayaa si hoose iigu sheegay inay rumaysan yihiin in gobolka KRI uu si tartiib ah oo aan la soo celin karin ku noqonayo dal madax bannaan.

Balse ma jiro hogaamiye Ciraaqi ah oo si shaac baxsan u sheegi kara arintaa, gaar ahaan xilli doorashooyinka maxalliga ah iyo kuwa qaranka ay dhici doonaan bilaha April ama May ee 2018. Ma jiro ra'iisul wasaare Ciraaqi ah oo doonaya in dalka uu kala go' asagoo talada haya.

Xaaladdan ayaa ku qasbi doonta Baqdaad inay KRI usoo bandhigto wadaxaajood cusub oo ku aaddan in gobolka uu helo awoodo ballaaran.

Labada dhinac ayaa ka doodi doona arimaha xasaasiga ah ee ay ka mid tahay tan gobolka Kirkuk iyo deegaannada kale ee lagu muransan yahay ee uu gacanta ku hayo maamulka KRI, balse ay wada degaan Kurdiyiinta iyo qowmiyadaha kale ayna weli sheeganayso Baqdaad. Wadahadalada noocan ah ayaa dhacayay tan iyo sanadkii 2003.

Inkastoo si weyn indhaha loogu hayo aftida KRI, ayaa hadana waxay u badan tahay in maalinta xigta tan aftida ay xaaladdu caadi ahaan doonto, oo aanay jiri doonin wax isbedel ah.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan