Maraykanka: Soomaali abaal marin ku guulaystay
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Maraykanka: Soomaali abaal marin ku guulaystay

Wiil dhaliyaro ah oo Soomaali ah ayaa ku guulaystay abaal marinta loo yaqaan "Facing Race Award" oo laga bixiyo gobolka Minnesota.

Abaal marintan oo ay bixiyaan ha'yadaha deeqda bixiya ayaa loogu talagalay in la siiyo dadka ka shaqeeyay arimaha bulshada ee ka qaybqaata isku soo dhawayta bulshooyinka kala duwan.

Xamse Warfaa waa madaxa haayada cilmi baadhista Geeska Afrika iyo Ha'yada wadatashiga ee Tayo. Wariyaha BBC-da Maxamed Xaaji Xuseen Shiine ayuu uga waramay waxa ay abaal marintani tahay iyo miisaanka ay leedahay.