Soomaali jeclaaday gabar Hindi ah
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Soomaali jeclaaday gabar Hindi ah

Haddii aad weligaa maqli jirtay Soomaali iyaga uun isjeclaada, maanta waxaan idin heynaa wiil Soomaali ah oo jeclaaday gabar Hindi ah, kuwaa oo ku kala nool dalalka Koonfur Afrika iyo Hindiya.

Baraha bulshada ayay wiilka iyo gabadha isku barteen oo uu kula hasaaway, waxaana halkaasi ka dhashay jacayl markii dambe sababay inay is mehersadaan.

Hadaba wiilkan oo lagu magacaabo Muxiyadiin Murshid Sheekh Axmed oo ku nool dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa uu u warramay Cabdirisaaq Xaaji Catoosh.