Ugu yaraan 43 askari oo lagu dilay Afghanistan

Afghanistan Lahaanshaha sawirka AFP

Saraakiisha dalka Afghanistan ayaa sheegay in ay ugu yaraan 43 askari ku dhinteen weerar ay Taliban ku qaaday saldhig milatari oo ku yaalla gobolka Kandahar.

Warkan ka soo baxay wasaaradda difaaca ayaa lagu sheegay in sagaal askari ay dhaawacmeen lix kalana lagu la yahay weerarkaas ka dhacay degmada Maiwand.

Wararku waxay sheegayaan in koox malayshiyo ah ay weerartay saldhigga ka dib markii albaabka lagu dhuftay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay.

Taliban ayaa sheegatay masuuliyadda weerarka.

Dhanka kalana waxaa la lagu warramay in la laayay ugu yaraan sagaal ruux oo ka tirsanaa malayshiyada Taliban.

Talaadadiina labo qarax oo ay Taliban ka gaysatay Afghanis ayaa dilay in kabadan toddobaatan ruux, dadkaas intooda badanna waxay ka mid ahaayeen laamaha ammaanka.