UNHCR oo dhimeysa kharashka ku baxa xeryaha qaxootiga Dhadhaab
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Qaxootiga Dhadhaab oo ka cabanaya saameynta dhaqaalaha laga dhimay xeryahaasi

Hay'adda Qaramada Midoobey u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR ayaa dhawaan shaacisay in ay dhimeyso dhaqaalhii ay ku bixin jirtay xeryaha qaxootiga ee Dhadhab, sababo la xiriira dhaqaala yari soo wajahday hay'addaasi.

Tallaabadaasi ayaa sameeyn weyn ku yeelanaysa adeegyadii dadka qaxootiga ah iyo kuwa deegaanka ay ka heli jireen hay'adaha aan dowliga aheyn ee xeryhaasi ka howl gala.

Haddaba si aan wax badan uga ogaanno arrintaasi ayaa weriyaha BBC-da Bashakas Jug-soo-Dhacay waxa uu arrintaasi ka wareeystay guddoomiyaha Guud ee xerada Xagardheere Xuseen Xasan Faarax.