Konton iyo seddex laga dilay ciidamada Masar

Xigashada Sawirka, AFP
Dhulka saxaraha ee galbeedka Masar.
Mas'uuliyiinta dowladda Masar waxaa ay shegeen in ugu yaraan konton iyo seddex kamid ah laamaha ammaanka ee dalkaasi iyo shan iyo toban Kamid ah koox Islaamiyiin ah oo ka dagaalama dalkaasi ay dhinteen, ka dib markii uu dagaal ku dhexmaray dhulka saxaraha ee galbeedka Masar.
Wasaarada arrimaha gudaha ee Masar ayaa waxaa kale oo ay sheegtay in ciidamadani la rasaaseeyay iyagoo isku dayaya inay weerar ku qadaan goob ay ku dhumaalesanayaeen kooxda weerarka geysatay oo u dhaw deegaanka Bahariya.
Warar laga soo xigtay saraakiil katirsan laamaha ammaanka ee Masar ayaa sheegaya in kooxda weerarka geysatay ay ahayeen kuwa aad u yaqaana halka uu dagaalka ka dhacay, taasi oo caqabad ku noqotay taliyihii ciidamada Masar hogaaminayay in uu dalbado ciidamo gurmad ah.
Wararku waxaa kale oo ay sheegayaan in kooxda weerarka geysatay ay katirsanyihiin urur lagu magacaabo Hasm, kuwaa oo horay u bartilmaameedsan jiray ciidmadda dowladda Masar.
Dowladda Masar ayaa ururkan la magac baxay Hasm ku tilmaamay inay yihiin garab katirsan ururka ikhwaanul Muslimiinka Masar, inkastoo ikhwaanku uu horay u beeniyay eedeeymaha dowladda Masar.
Ciidamada Masar ayaa halkaasi u jiheystay ka dib markii ay heleen warar sheegaya in deegaanadaasi ay ku dhuumaaleysanayaan kooxda weerarka geystaya, balse intii ay halkaasi kusii socdeen ayaa waxaa dhexda u galay dagaalyahano katirsan kooxda weerarka geysatay, kuwaa oo adeegsanayay bamabooyin iyo baasuukayaal.
Xukuumadda Qaahira ayaa in muddo ah dagaal kula jirtay kooxo Islaamiyiin ah oo kasoo horjeeda dowladda uu hogaamiyo madaxweyne Cabdifataax Al-sis.