Robert Mugabe oo loo magacaabay danjire sharafeed

Madaxweynaha dalka Zimbabawe Robert Mugabe Lahaanshaha sawirka Huw Evans picture agency
Image caption Madaxweynaha dalka Zimbabawe Robert Mugabe

Hey'adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa madaxweynaha dalka Zimbabawe Robert Mugabe u magacawday inuu noqdo danjire sharafeed u ololeeyo ka hortaga cudurada aan la isqaadsiinin.

Agaasimaha cusub ee WHO Dr Tedros Adhanom ayaa noqday qofkii ugu horeeyay ee kasoo jeeda qaarad Afrika ee qabta xilkaasi, waxaana Mr Adhanom uu horay usoo noqday wasiirka arrimaha dibadda ee Itoobiya.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Agaasimaha cusub ee WHO Dr Tedros Adhanom

Mr Adhanom oo bedelay Margaret Chan oo horay xilkaasi usoo qabatay ayaa madaxweynaha dalkaasi ku amaanay sida ay uga go'antahay wax ka qabashada caafimaadka dadweynaha, Balse dadka dhaliila waxaa ay shegeen in Robert Mugabe soddon iyo todobadii sano ee uu xilka hayay uu ku guuldareystay inuu wax ka qabto adeegyada caafimadka ee dalkaasi, iyo in wax mushaar ah uusan siinin shaqaalaha caafimadka ee Zimbabawe.

Magacaabida sagaashan iyo saddex jirkan hogaamiya dalka Zimbabwe ayaa ka yaabin doonta deeq-bixiyaasha caalamka iyo dalal badan oo xubin ka ah hey'adda caafimadka adduunka ee WHO.