Somaliland: Ololihii doorashada madaxtinimada oo si rasmiya u bilaabmay
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Somaliland: Ololihii doorashada madaxtinimada oo si rasmiya u bilaabmay

Guud ahaan ba magaalooyinka Jamhuuriyada iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland waxaa maanta si rasmi ah uga bilaabmaya ololaha doorashada madaxtinimada ee la qaban doono 13 Noofambar 2017.

Gudida Doorashooyinka Somaliland ayaa saddexda xisbi ee dalka ka jira mid walba maalin gaar ah u asteeyey in uu guud ahaan dalka oo dhan ka qabto ololahiisa doorashada, saddexdaas xisbi oo kala ah kuwa mucaaradka ah ee UCID iyo WADANI iyo xisbiga talada haya ee KULMIYE.

Hadaba maanta oo Sabti ah ayaa waxa ololahiisa ka bilaabay guud ahaan dalka xisbiga mucaaradka ah ee UCID.

Fagaaraha Beerta Xorriyada ee Hargaysa waxa isugu soo baxay kumanaan qof oo ah taageerayaasha UCID, kuwaas oo sitay boodhadh iyo sawirro waxaanay ku dhawaaqayeen erayo ay ku muujinayaan taageerada ay u hayaan xisbigaas iyo erayada hal ku dhegga u ah UCID.

Sidoo kale fagaarayaasha Khayriyadaha magaalooyinka waaweyn ayey ka socdeen isku soo baxyo uu qabtay xisbigu oo uu kula hadlayo shacabka ku dhaqan magaalooyinkaas si uu ugu soo bandhigo aragtida siyaasadeed ee xisbigu damacsanyahay in uu wadanka ku hago hadii uu doorashada ku guulaysto, isagoo isla qorshayaashaa uu shacabka u soo bandhigayana ka codsanaya in ay codkooda ku taageeraan.

Gudoomiyaha xisbiga, isla markaana ah mushraxa madaxtinimada ee xisbigaas, Eng. Faysal Cali-Waraabe, ayaa isagu ololaha ka bilaabay magaalada Burce ee gobolka Togdheer, halka musharaxa madaxweyne xigeenka ee isla xisbigaas, Axmed Cabdi Muuse, uu isna khudbad uga jeediyey taageerayaasha xisbiga fagaaraha Khayriyada ee magaalada Laas Caanood.

Image caption Taageereyaasha xibiga UCID

Ololaha doorashada madaxtinimada Somaliland wuxu si rasmi ah u bilowday laba maalmood uun ka dib markii magaalada Hargaysa ay ka dhacday dood ay musharaxiinta madaxtooyada ka qayb galeen oo si toos ah looga sii daayey TV-yada. Waxaanay Somaliland noqotay dalkii ugu horreeyey ee ku yaal gobolka Geeska Afrika ee dood noocaas oo kale ah qabta.

Warbixinta maqalka ah ee weriyaha BBC-da ee Hargeysa Axmed Saciid Cige ka diyaariyey oloha UCID ee maanta ka dhegayso xaga sare.