Booliiska Somaliland oo heegan sare la galliyay xiliga ololaha doorashada
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Booliiska Somaliland oo heegan sare la galliyay xiliga ololaha doorashada

Waxaa heegan sare la galiyay ciidanka booliska Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland.

Wasaaradda arrimaha gudahu ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay arrintaa uga gol leedahay in lagu sugo nabadgelyada guud iyo gaar ahaanba ta dadka ololaha ku jira.

Tallaabadan ayaa imanaysa xilli ololaha doorashada madaxtinimada uu si xawli leh uga socdo dhamaanba gobollada.

Hadaba tallaabooyinka ay qaadeen iyo in ay jirto cabsi gaar ahi ayaa waxaannu ka wareysannay wasiiru-dawlaha wasaaradda arimaha gudaha, Maxamed Muuse Diiriye, waxa uu u warramay Axmed Maxamed Ibrahim (Nagaashe) oo ugu horrayn weydiiyey qorshaha ay dhigeen?