Dadka Kisumu oo intooda badan saaka guryaha ku sugan
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dadka Kisumu oo intooda badan saaka guryaha ku sugan

Magaalada Kisumu oo ah mid ay ku xooggan yihiin taageerayaasha isbahaysiga mucaaradka Kenya ee NASA, ayaa waxaa lagu soo warramayaa in goobaha codbixinta aanay dad badan tegin.

NASA ayaa taageerayaasheeda ugu baaqday inay qaadacaan doorashada kuceliska ah ee saaka billaabatay.

Maxamed Cabdi Dhaafay (Maamey) waa ganacsade Soomaali ah oo muddo ku noolaa Kisumu. Khadka telefoonka ayuu ugu warramay Cabdifitaax Ibraahim Cagayare.