Hogaamiyaha Catalonia oo ku baaqay in dawladda dhexe "mucaaradad dimuqraadi ah" lagala hortago

Hogaamiyihii Catalonia ee xilka laga qaaday Lahaanshaha sawirka EVN
Image caption Hogaamiyihii Catalonia ee xilka laga qaaday

Hogaamiyaha xilka laga qaaday ee maamul goboleedka Catalonia, Carles Puigdement, ayaa ku baaqay in xukunka tooska ah ee Madrid lagala hortago "mucaaradad dimuqraadi ah".

Wuxuu cambaareeyey la wareegidda awoodii xukuumadda maamul goboleedka Catalonia waxaanu wacad ku maray in uu sii wadi dooni dadaalka ay ugu jiraan "dhismaha dal xor ah".

Hadalkan wuxu ku sheegay khudbad mar hore la sii duubay oo uu TV uga jeediyey shacabka Catalonia oo Sabtidii gelinkii dambe la sii daayey.

Dawladda Spain ayaa awoodii maamulka ka xayuubisay xukuumadii gobolkaas waxaanay si toos ah u hoos geysay xukuumadda dhexe.

Talaabadan waxa la qaaday markii Sabtidii gelinkii hore baarlamanka gobolka Catalonia cod aqlabiyad ah ku ansixiyey aftidii la qaaday ee madaxbannaanida dadku ku doorteen.

Jimcihii ayaa ra'isal wasaaraha Spain, Mariano Rajoy, ku dhawaaqay in uu kala diray baarlamanka gobolka isla markaana xilkii hogaamiyenimo ee gobolka Catalonia ka qaaday hogaamiyihii , waxaanu shaaciyey in doorashooyin degdeg ah oo heer gobol ah la qaban doono.

Mudaharaaddada lagaga soo horjeedo madaxbannaanida gobolka ayaa ilaa habeenimadii socday, waxaana lagu qabtay magaalada Madrid Sabtidii "isku soo bax lagu taageerayo midnimada iyo dastuurka Spain".