Hay'ada WFP oo ka digtay xaalada bina'aadanimo ee dalka Congo

WFP waxa ay ka dayrisay xaaladda caruurta gobolka Kasai Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption WFP waxa ay ka dayrisay xaaladda caruurta gobolka Kasai

Madaxa haya'ada cunada aduunka ee WFP ayaa jeediyay codsi degdeg ah oo ku dalbanayo gargaar caalami ah si looga maagto dhibaato bina'aadanimo oo dhacda dalka Jamhuuriyada Dimuqraadiga ee Congo.

David Beasley, oo booqashadiisii ugu horeysay ku tagay gobolka ay colaada ragaadisay ee Kasai, ayaa BBC u sheegay in dad ka badan seddex milyan oo qof ay wajahayaan macaluul ba'an .

Waxa uu sheegay in ay arkeen caruur ay ku habsatay nafaqadaro islamarkana kumannaan caruur ah ay dhiman karaan bilooyiinka soo socda gudahood haddii aysan helin caawin.

Dagaal ayaa ka qarxay gobolka Kasai bishii August ee 2016 ka dib markii hogaamiye dhaqameed lagu dilay isku dhacyo ciidamada ammaanka iyo maleeshiyaad dhexmaray.

Dagaalkan ayaa wax ka dhashay dhimashada in ka badan 3,000 oo qof oo intooda badan ay ahaayeen caruur .