Taariikh nololeedka Faysal Cali Waraabe

Feysal Cali Waraabe

Faysal Cali Xuseen (Faysal Cali Waraabe} gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID ahna murashaxa madaxweynaha wuxuu ku dhashay magaalada Hargeysa sanaddii 1948 . Waxbarashadiisii dugsiga hoose iyo dhexe wuxuu ku qaatay Hargeysa iyo Boorama sanadahihii lixdamaadkii .

Sanadihii 1965kii ilaa 1968 wuxuu waxbarasho jaamicadeed ee engineering-ka ah ku soo qaatay jaamacadda ee Leningrad ee dalka Ruushka.

1974 ilaa 1976 wuxuu Faysal Cali waraabe ahaa isuduwaha wasaaradda hawlaha guud ee gobollada Baay iyo Bakool.

Sanadihii 1976 ilaa 1981 wuxuu noqday agaasimaha waaxda qorsheynta ee wasaaradda hawlaha guud halka 1981 ilaa 1984 wuxuu noqday faysal madaxii engineerada ee dawladda hoose ee muqdisho.

1984 ilaa 1990 wuxuu faysal cali waraabe ahaa gudoomiyaha sharikad dhisme oo magaceedu ahaa Ayaan . burburkii dawladdi dhexe ee somaliya 1991 wuxuu faysal iyo qoyskiisu u qaxeen dalka Finland . jaamicadda Helsinki ayuu faysal ku bartay cilmiga xidhiidhka caalamiga ah.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Waa kuma Feysal Cali Waraabe?

Faysal Cali waraabe gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ee UCID ee Somaliland ahna murashaxa madaxweynaha ee xisbigaasi wuxuu 1994 ilaa 1996 uu afhayeen u ahaa koox aqoonyahanno iyo odayaal ahaa oo qurba jog ahaa oo u soo gurmaday xallinta colaadihii la soo dersay xilligaasi Somaliland.

Sanaddii 2000 wuxuu ka mid ahaa aasaasayaashii xisbiga mucaaridka ee UCID ee cadaaladda iyo daryeelka oo gudoomiye loo doortay shirweynihiisii ugu horeeyay ee 2001.

faysal Cali waraabe wuxuu yahay hadda murashaxa madaxweynaha ee xisbiga mucaaridka ee UCID doorashada 13november 2017 isagoo laba jeer oo hore u soo tartamay doorashooyinkii madaxeynaha ee 2003 iyo 2010 oo aanuu ku guuleysan . Faysal wuxuu ku hadlaa afafka Ingriisi, carabi , rush iyo finish .

Faysal Cali waraabe wuxuu leeyaha xaas iyo sagaal caruur ah oo siddeed wiilal yihiin .