Noolasha qoys ka kooban 54 qof oo hal meel ku nool
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Nolasha qoys ka kooban 54 qof oo hal meel ku nool

Dhageyste, bal qiyaas xaaladda iyo nolasha qoys ka kooban 54 qof oo hal daarad ku wada nool, waliba qaxooti ah oo wada isticmaalaya hal musqul, ayna u sii dheertay noolasha xeryaha oo ah mid aan fududeyn.

Waa qoys ku nool mid ka mid ah xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab, waxaana qoyskaasi booqday weriyaha BBC-da Bushra Nuur Maxamed oo dhawaan shaqo halkaasi u tagtay, warbixintan ayayna ka diyaarisay.