Shacabka Hargeysa oo BBC-da uga warramay waxa ay ka rajeynayaan doorashada madaxtinimada
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Maalintii ugu dambeysay ee ololaha doorashada Somaliland

Maanta oo Jimce ah ayaa ah maalintii ugu dambaysay ee ololaha doorashada madaxtinimada ee Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland.

Olalaha doorashadan ayaabillowday bishii la soo dhaafay, waxaana hadda musharrixiinta ay ku dadaalayaan sidii ay u kasban lahaayeen taageerada dadka codbixiyeyaasha ahi ka hor inta aan loo dareerin codbixinta maalinta Isniinta ah ee soo socota.

Haddaba weriyaha BBC-da Bashkash Jug soo dhacay ayaa qaar ka mid ah dadweynaha magaalada Hargeysa ka wareystay waxa ay ka rajeynayaan doorashadani.