Puntland oo baareyso nin lagu eedeeyay  isku day kufsi
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Puntland oo baareyso nin lagu eedeeyay isku day kufsi

Maamulka Puntland ee Soomaaliya ayaa sheegay inuu baarayo nin la sheegay inuu magaalada Bossaso ku dhaawacay gabar, laguna eedeynayo isku day kufsi oo markii dambena u baxsaday magaalada Kismaayo.

Ninkan oo haatan ay gacanta ku hayaan ciidammada ammaanka ee Jubaland ayaa la filayaa in dhawaan lagu wareejiyo maamulka Puntland.

Deegaanada Puntland ayaa sanadihii ugu dambeeyay waxaa ka dhacay falal kufsi iyo tacaddiyo loo gaystay qaar ka mid ah haweenka halkaas ku nool, taas oo maamulka Puntland uu sheegay inuu shuruuc adag uu ka soo saaray.

Haddaba Maxamed Cali Faarax, waa agaasimaha guud ee wasaaradda cadaaladda ee Puntland, waxa uu arrintan uga warramay weriye Axmed Cawil oo arrimaha Puntland nooga soo warama.