Ciraaq: Ciidamada dawladda iyo maleeshiyaad weeraray ISIS

. Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption .

Ciidamada Ciraaq ayaa qaaday guluf ay ku qabsanayaan magaaladii ugu dambaysay dalkaas ee gacanta ugu jirta kooxda la baxday Dawladda Islaamka.

Laba guuto oo lug ah iyo maleeshiyaad qabaa'il Sunni ah ayaa gulufkaa wada, waxaanay ujeedadoodu tahay in ay ku qabsadaan magaalada Raawa oo u dhaw xadka dalkaasi la leeyahay Suuriya.

Sideed maalmood ka hor ayaa xoogagga Ciraaq dib u qabsadeen magaalo kale oo tan ka wayn oo la yidhaa Al-Qaa'im.

Xadka dhinaciisa kalena waxa soo baxayay warar tibaaxaya in maleeshiyada Daacish ay weli ka dagaalamayaan Albu Kamal, in kasta oo ciidanka Suuriya sheegay inuu magaaladaa qabsaday.

Hadii ay ciidamada Ciraaq qabsadaan magaaladaa Raawa ee ku taalla dacalka webiga Furaat, waxa sidaa kaga baxaya gacanta kooxda la baxday Dawladda Islaamka dhulkii ay ka haysteen dalka Ciraaq.