Hargaisa oo kaddib ololihii xoogan ee doorashada ay noloshu caadi kusoo laabatay
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Hargaisa oo kaddib ololihii xoogan ee doorashada ay noloshu caadi kusoo laabatay

Kaddib 21 casho oo ay Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland ka socdeen olole aad u sarreeya ayaa haatan waxaa muuqanaysa in noloshii ay sidii caadiga aheyd dib ugu soo laabatay.

Dadka ku leh ganacsiyada kala gedisan bartamaha magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in mudadii uu ololaha socday ay dareemayeen saxmad iyo sawaxan badan, hasayeeshee haatan ay jawigu sidii hore uu ku soo laabtay.

Haddaba weriyaha BBC-da Bashkas Jugsodhacay oo maalmahanba doorashada Somaliland inooga soo warramayay goobjoogna u ahaa xilligii ololaha iyo kaddibba ayaa warbixintan Hargeysa inooga soo diray.