Waa sidee xaalada dhaawacyadii qaraxii Soobe ee Turky loo qaaday?
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Waa sidee xaalada dhaawacyadii qaraxii Soobe ee Turky loo qaaday?

Hadaba haddii aad dhageysateen sida uu xaalkoodu yahay qoysaska dadkoodii ku waayay qaraxii Soobe nolol iyo geeriba, waxaa jira kuwa kale oo dhaawacyadooda loo qaaday dibadda.

Dhaawacyadaas qeyb badan oo ka mid ah waxaa la geeyay waddanka Turkiga, halkaas oo uu haatan ku sugan yahay weriyaha BBC-da Cismaan Cabdi Xasan oo intuu bukaanadaas ku booqday isbitaalladii ay ku jireen warbixintan inooga soo diray.