Milatariga Zimbabwe: Mugabe xidhiidh ayuu la leeyahay ku xigeenkiisii hore

Taliyaha milatariga Zimbabwe Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Taliyaha milatariga Zimbabwe

Milatariga Zimbabwe ayaa yidhi madaxweyne Robert Mugabe wuxu xidhiidh la leeyahay ku xigeenkiisii hore Emmerson Mnanagwa oo erigiisii labada todobaad ka hor ku riixay ciidamada hubaysan in ay awooda qaataan.

Milatarigu wuxu yidhi Mnangagwa dalka ayuu dhakhso ugu soo noqnayaa, waxaanu yidhi in uu Mugabe kala shaqaynayo in uu ku heshiiyo sida looga baxayo xiisada.

Xisbiga dalka xukuma Zanu-PF oo doonaya in Mnangagwa bedelo Mugabi ayaa doonaya inuu ku bilaabo dacwad xil ka qaadis ah madaxweynaha Salaasada.

Qof sare oo ka tirsan xisbiga, Paul Mangwana, ayaa yidhi sadex iyo sagaashan jirka waxa lagu soo eedayn doonaa in uu awood badan siiyey xaaskiisa Grace, in aanu ixtiraamin dastuurka iyo in aanu dalka xukumi karin.

Milatarigu wuxu yidhi in uu ku kalsoonyahay faragelintiisa oo uu ugu yeedhayo hawlgalka soo celinta raadka uu si fiican u socdo.