Faransiiska oo golaha amaanka ugu baaqay inuu wax ka qabto adoonsiga Liibiya

muhaajiriin afrikaana Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption muhaajiriin afrikaana

Faransiiska ayaa ku baaqay kulan golaha amaanka qaramada midoobay ku falanqaynayo sida xun ee loola dhaqmayo muhaajiriinta Liibiya.

Dhaqaaqani wuxuu imanayaa ka dib warar ka yimid Liibiya yidhaahdeen muhaajiriinta Afrika in adoomo ahaan loo iibiyo.

Kulan uu la yeeshay madaxda midowga afrika ayaa madaxweynaha faransiiska Emmanuel Macron ku tilmaamay iibkaa dambiyo ka dhana biniaadanimada waxaanu ku daray in wax badan loo baahanyahay in la qabto si loo dumiyo shabakadaha dadka kootarabaaniya.

Wasiirka arimaha dibada Jean-Yves Le Drian ayaa yidhi cunoqabatayn caalamiya in lagu soo rogo hadii maamulada Liibiya qaadi waayaan fal lagu dhamaynayo dhaqankaa.