Qaar kamid ah dadka laga tirada badanyahay ee Mandera oo walaac ka muujiyay garoon diyaaradeed oo halkaasi laga dhisaya
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Qaar kamid ah reer Mandera oo walaac ka muujiyay garoon diyaaradeed oo halkaasi laga dhisayo

Qaar kamid ah dadka reer Mandera oo BBC-da lasoo xiriiray ayaa sheegay in maamulka hoose ee Mandera ay si qasab ah garoon diyaaradeed uga dhisayaan dhul ay shegeen inay iyagu leeyihiin.

Dadkan ayaa waxaa ay shegeen in dhulkani uu u ahaa dhul daaqsimeed, ayna heysanin dhulka kale oo ay u waregaan.

Macalin Aadan Noor oo kamid ah dadkaasi ayaa weriyaha BBC-da Bashir Maxamed Caato uga warramay walaaca ay qabaan tallaabadni ay shegeen inay ku dhaqaaqeen mas'uuliyiinta dowladda hoose ee Mandera.

Dhanka kale waxaanu xiriir la sameenay mas'uuliyiinta deegaanka si aynu wax uga weydiino cabshadani, balse inooma aysan suuragelin

Mowduucyada la xiriira