Xarun teknolojiyadda lagu baro dhalinayarad oo laga furay Minnesota
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Xarun teknolojiyadda lagu baro dhalinayarad oo laga furay Minnesota

Shirkadda qalabaka technologyada ee wadanka Maraykanka ee loo yaqaan Best buy, ayaa dhawaan ka hirgalisay gobolka Minnesota, xarun ay ku bartaan dhalinyarada Somaliyeed qalabka kala duwan ee teknolojiyadda.

Xaruntan oo ka mid ah toddobo xarumood oo shirkadu ay ka hirgalisay gobolada kala duwan ee wadanka Mareykanka ayaa loogu talagay in ay kor u qaado xirfadaha teknolojiyadda ee dhalinyarada.

Waxaa kaloo loogu talagalay in ay dhalinyarada ka ilaaliso dambiyada iyo waxyaabaha xun xun ee ay ku dhaqaaqi karaan dhalinyaradu xilga ay firaaqada yihiin.

Cabdiraxmaan Mukhtaar waa maamulaha xaruntan iyo barnaamijka qoyska iyo dhalinyarada soomaalida Mareykanka, wuxuuna u warramay BBC-da ee Mareykanka Maxamed Xaaji Xussen Shiine.

Mowduucyada la xiriira