Kooxda Manchester City oo gaartay guushii 15-aad ee isxigta.

Kooxda Manchester City ayaa xalay gaartay guushii 15-aad ee isxigta. Lahaanshaha sawirka PA
Image caption Kooxda Manchester City ayaa xalay gaartay guushii 15-aad ee isxigta.

Kooxda Manchester City ayaa xalay gaartay guushii 15-aad ee isxigta, ka dib markii ay 4-0 kaga adkaatay kooxda taagta daran ee Swansea. Laba ka mid ah goolashaasi ayaa waxaa u dhaliyay David Silva, halka Kevin de Bruyne iyo Sergio Aguero ay min hal gool dhaliyeen.

Manchester United oo kaalinta labaad ku jirtana waxay xalay 1-0 kaga badisay Bournemouth, ayadoo hadda 11 dhibcood ka hooseysa Man City.

Tababaraha kooxda Liverpool, Jurgen Klopp, ayaa sheegay inaanu wax dacwa ah ka qabin barbarihii gool la'aantaa ahaa ee xalay ay kooxdiisa la gashay West Brom.

Liverpool oo lagu yaqaano weerar xooggan ayaa xalay garoonkeeda Anfield ku kala furfuri weyday difaaca adag ee ay gashay kooxda West Brom.

Mowduucyada la xiriira