Qareeno Soomaalida Mareykanka kala hadlay kahortaga dembiyada dhalinyarada ay geystaan
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Qareeno Soomaalida Mareykanka kala hadlay kahortaga dembiyada dhalinyarada ay geystaan

koox qareeno ah oo isugu jira Somali iyo bulshooyinka wadanka Maraykanka ayaa kulama wacyi gelin ah la yeeshay qaar ka mida waalidiinta Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Minnesota ee wadanka Maraykanka.

Qareenada ayaa kala hadlay waalidiinta dambiyada ay dhalinyaradu galaan ee qaarkod keeni karaba in dib loogu celiyo wadamadooda.

Bilihii la soo dhaafay waxaa la sheegay in dadbadan oo Soomaali ah oo qaaarkood galay dembiyo dib loogu celiyay Soomaaliya, halka Qaar kalana ay kujiraan xabsiyada wadanka Mareykanka.

Aamiin Haaruun wuxuu ka midyahay qaraeenadaasi, waxyaabihii ay kala hadleen walidiinta ayuu uga warramayb wariyaha BBC-da ee Mareykanka. Maxamed Xaji Xussen Shiine.

Mowduucyada la xiriira