Turkiga iyo Jarmalka oo isku soo dhowaanaya

Jarmalka iyo Turkiga mudo dheer ayuu madmadow u dhaxeeyey Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Jarmalka iyo Turkiga mudo dheer ayuu madmadow u dhaxeeyey

Wasiirada Arrimaha Dibada ee labada dalka ee Turkiga iyo Jarmalka ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dowladood.

Xiriirka Isbahaysiga Nato iyo ganacsiga ayaa ka mid arrimaha ay isla soo qaadeen labada dhinac ee Jarmalka iyo Turkiga.

Madaxweynaha Turkiga ayaa maalmahanba booqanayay dalka Faransiiska waxaana jirtay in inqilaabkii Turkiga ka dib uu xumaaday xiriirka wadamada Yurub iyo Turkiga.

Arrimaha ay Turkiga iyo Jarmalka isku hayeen waxaa ka mid ah mucaaradka dowladda Turkiga ku kacsan ee fadhiga u ah dalka Jarmalka.

Waxaa sidoo kale jira weriye dalka Turkiga ku xiran oo mudo tobon bilood ah aanan wax maxkamad ah la soo taagin

Wadamada Jarmalka iyo Turkiga waxaa ka dhaxeeya ganacsi ballaaran waxaana sidoo kale dalka Jarmalka ku nool jaaliyada ugu balaaran ee Turki dibada ku nool ah.

Marar badan ayay Turkiga iyo Jarmalka ku kala fogaadeen dhacdooyin dhacay.

Sidoo kale Dowladda Turkiga waxay sanado badan raadinaysay inay xubin ka noqoto wadamada Midowga Yurub.

Turkiga waxa hadda uu u muuqdaa inuu doonayo xiriirkii uu wadamada Yurub la lahaa inuu soo celiyo isagoo sidoo kalena iska dhisaya xiriirka caalamiga ah ee wadamada dibada.