Ahmed Shafiq oo ka haray tartanka doorashada Masar

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Axmed Shafiq ayaa loo arkayay siyaasi caan ah

Ra'iisul Wasaarihii hore ee dalka Masar Ahmed Shafik ayaa sheegay inuu go'aansaday inuusan u tartamin xilka madaxtinimada dalka Masar.

Ninkan ayaa horay u sheegay inuu tartanka doorashada ka qaybgeli doono oo uu isa soo sharaxi doono.

Balse hadalkan cusub ayuu dhowaan ku soo qoray barta uu Twitterka ku leeyahay uuna ku sheegay inuusan tartami doonin.

Xili uu dalka Imaaraadka joogay ayuu Axmed Shafiq sheegay inuu tartanka geli doono. Balse dowladda Imaaraadka ayaa xiligaasi dalkeeda ka soo musaafurisay.

Markii lagu soo celiyey dalka Masar ayaa mudo la waayay meel uu galay. Reerkiisana waxay walaac ka muujiyeen in la afduubay.

Axmed Shafiiq ayaa beeniyey in la afduubay, waxaana loo arkayay inuu yahay ninka kaliya ee ciriiriga siyaasadeed gelin kara Cabdifataax Al-sisi.

Waxaa hadda la isweydiinayaa waxa ku dhaliyay inuu isaga haro tartanka madaxtinimada dalka Masar.

Dalka Masar ayaa intii uu qabtay xukunka Madaxweyne Al-sisi waxaa ka taagnaa deganaan siyaasadeed wallow dhaqaale xumo ay timid.

Al-sisi ayaa aad ula dagaalamay kooxda Muslimiimta Walaaloobay ee uu ka tirsanaa madaxweynihii la afgembiyay ee Maxamed Morsi

Mowduucyada la xiriira