Maxaad kala socotaa halka uu marayo koobka FA?

Koobka FA-ga waa mid aad u fac weyn Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Koobka FA-ga waa mid aad u fac weyn

Kooxda Arsenal ayaa markii ugu horreysay muddo 22 sano ah waxaq xalay lagu reebay wareegga saddexaad ee koobka FA-ga.

Arrinta layaabka leh-na waxay tahay in kooxda reebtay ee Nottingham Forest ee ka dheesha horyaaalka heerka labaad aanay xilligan tababare haysan.

Arsenal oo kala daadsaneyd ayaa waxaa looga badiyay 4-2, goolka afaraadna waxa uu ahaa gool ku-laad uu dhaliyay Kieran Dowell.

Arsenal ayaa difaacanaysay koobkan hadda loo tartamayo ee FA oo ah koob taariiq ahaan aad u da' weyn.

Kulamadii kale ee xalay dhacayna waxaa ka mid ahaa

Newport County waxa ay 2 - 1 uga badisay Leeds United.

Shrewsbury Town iyo West Ham United waxa ay ku kala baxeen barbaro 0 - 0 ah.

Halka kooxda wqooyiga London ka dhisan ee Tottenham Hotspur ay 3 - 0 ku dirtay kooxda AFC Wimbledon.

Caawana waxaa ciyaar ka tirsan tartankan FA-ga ay dhexmari doontaa kooxaha kala ah Brighton iyo Crystal Palace.

Mowduucyada la xiriira