Maxkamad ku taalla Mareykanka oo bilowday dhageysiga Soomaali ku xiran gobolka Florida
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Maxkamad ku taalla Mareykanka oo bilowday dhageysiga Soomaali ku xiran gobolka Florida

Ku dhawaad 92 dhalinyaro Soomaali ah oo laga musaafuriyay waddanka Mareykanka balse isla dalkaasi dib loogu celiyay ayaa maxkamad ku taal gobolka ay haatan ku xiran yihiin ee Florida waxa ay bilowday inay dhageysato dacwadda dhalinyaradaasi.

Dacwadda dhalinyarada oo sidoo kale sii soconeysa ayaa maxkamadu waxa ay dib u dhigtay illaa 22-ka bishan.

Kolsii horeysay, arrintan dhalinyarada ayaa waxaa loo saaray guddi daba-gala kadib markiii qaar ka mid ah eheladooda ay sheegeen in tacadiyo loo geestay xiligii ay safarka ku jireen.

Maxamuud Muuse Xasan, wuxuu ol-oleeya arrimaha Soomaalida ku nool waddanka Mareykanka, waxa uu weriyaha BBC-da ee Maxamed Xaaji Xuseen go'aanka maxkamaddu gaartay iyo waxa xigi kara?