Maxay salka ku hayaan dibadbaxyada ka soconaya waddanka Tuuniisiya?
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Maxay salka ku hayaan dibadbaxyada ka soconaya waddanka Tuuniisiya?

Dibadbaxyaal ka soo horjeeda barnaamijka gunti isku giijiska dhaqaalaha ee waddanka Tuuniisiya ayaa lagu wadaa inay maanta isugu soo baxaan magaalada caasimadda ah ee Tuunis iyo magaalooyinka waa weyn ee dalkaasi.

Qalalaase u dhaxeeyay dibadbaxayaasha iyo booliska ayaa waxa ay sababeen in boqolaal qof todobaadkan lagu xirxiro guud ahaan waddankaasi.

Ra'iisul wasaaraha Tuuniisiya ayaa axsaabta mucaaradka ku eedeeyay inay hurinayaan ismaandhaafka taagan oo ay dadka ugu baaqayaan inay dibadbaxyada sii wadaan.

Haddaba si aannu umuurtan u falanqeyno ayaa waxaannu la xiriirnay Dr Axmed Sheekh Maxamed (Axmed Tiir) oo ka faalooda arrimaha Carabta iyo Caalamka Islaamka, waxa uu u warrmay weriyaha BBC-da Cabdifitaax Ibraahim Cagayare oo marka hore waydiiyay waxa ka khaldamay Tuuniisiya ee dibadbaxyadan sababay?

Mowduucyada la xiriira