Ra'isal wasaaraha Spain oo digniin u diray baarlamanka Catalonia

. Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption .

Raisu lwasaaraha Spain ayaa sheegay in xukunkii daakhiliga ahaa aan dib loogu celin doonin Catalonia haddii baarlamaanka gobolkaasi ay u ogolaadaan hogaamiyaha gooni u goosadka, Carles Puigdemont, in uu dowladda gobolka uu hogaamiyo isagoo musaafuris dalka uga maqan.

Mariano Rajoy ayaa sheegay in Mr Puigdemont looga baahan yahay in uu horyimaado baarlamaanka si jagadaasi loogu doorto.

Mr Puigdemont ayaa wajihi kara xarig haddii uu dib ugu soo laabto Spain isaga oo loo haysto mucaarado ka dib markii uu bishii October ku dhawaaqay madaxbanaanida gobolka Catalonia.

Waxaa uu hogaamiye u yahay xisbiga ugu wayn kuwa xorriyad doonka ah, waxaanay xisbiyadaa gooni u goosadka ahi doorashooyinkii dhawaan la qabtay ku guulaysteen aqlabiyad aan badnayn.

Mowduucyada la xiriira