Maraykanka oo hakinaya gargaarkii uu siin jiray Falastiiniyiinta

. Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption .

Maamulka Trump ayaa hakiyey in ka badan kala badh lacagtii uu siin jiray wakaaladda Qaramada Midoobay ee taageerta Falastiiniyiinta.

Maraykanku wuxu sheegay in uu sannadkan u sii dayn doono lixdan milyan oo doolar oo ka mid ah intii ugu horraysay ee dhaqaalaha sanadlaha ah laakiin uu hakin doono shan iyo lixdan milayan oo dollar oo uu "mustaqbalka qiimayn doono".

Mar sii horaysay ayaa xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, waxa uu sheegay in joojinta dhaqaalahaas Maraykanku damacsanyahay in ay walaca ba'an ku hayso.

Wuxu sheegay in adeegyada bani'aadanimo ee ay hay'adda UNRWA siiso qaxootiga Falasitiiniyiinta ay yihiin kuwo muhiim u ah xasiloonida gobolka.

Aragtidaa mid la mid ah waxa iyadna carrabka ku dhufatay siyaasiyadda reer Falastiin, Xanaan Cashraawi, oo Maraykanka ku eedaysay in ay waxyeelaynayso dadka jilicsan.

Mowduucyada la xiriira