Qaar ka mid ah ganacsatada Soomaalida Jigjiga oo bilaabay dhaqashada digaaga
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Qaar ka mid ah ganacsatada Soomaalida Jigjiga oo dhaqanaya digaaga

Bulshada deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa waxaa ku soo badadanaya dhaqashada digaaga gaar ahaan, nooca gobolkaa looga yaqaan digaag Faranjiga oo ah nooca sida casriga loo dhaqaaleeyo ee mishiinada lagu dillaaciyo.

Dhaqasho la'aanta digaaga ayaa haatan kahor ay dad badani u aanaynayeen xoolaha deegaankaasii hodanka ku yahay balse dad badan ayaa haatan qaba in dhaqashada digaagu tahay wax aan laga maarmayn oo faa'iido leh.

Weriye Cabdinaasir Sheekh Maxamed Xikam ayaa dhaqashada digaaga u kuurgalay warbixintan ayuuna inooga soo diray magaalada Jigjiga.