Trump oo ku hanjabay inuu jari doono dhaqaalaha Mareykanka uu siiyo Falastiin

Madaxweyne Trump Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Madaxweyne Trump

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa ku hanjabay inuu jari doono dhaqalaah Mareykanka uu siiyo Falastiniyiinta, haddii ay ka qeyb gali wayaan wadahadalada nabadda.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka oo ka hadashay hadalka ka soo yeeray madaxweyne Trump ayaa sheegtay in madaxweynaha uusan ula jeedin inuu jarayo dhaqaalaha Mareykanka uu siiyo Falastiniyiinta , balse ay aheyd maalgelinta iyo tababarka ciidammada ee Mareykanka uu siiyo Falastiniyiinta.

Trump ayaa Falastiniyiinta ku eedeeyay in aysan wax xurmo ah u heynin Mareykanka, waxana uu intaa ku daray in aysan jirin sabab ay dhaqaalo u siiyaan Falastiniyiinta, mar haddii aysan ixtiraameynin Mareykanka.

Falastiin ayaa horay u sheegtay in Mareykanka uusan dhexdhexaad ka noqon Karin wadahadalada nabadda ee kala dhaxeya Israiil, kadib markii Mareykanka uu magaalada Qudus u aqoonsaday inay tahay caasimadda Israiil.

Trump ayaa shirka dhaqaaalaha adduunka ee ka dhacay magaalada davos ka sheegay in Mareykanka uu gargaar ahaan u siiyo Falastiniyiinta malaayiin doolar sannad walba, balse aysan wax ixtiraam ah u muujinin buu yiri madaxweyne ku xigeenka Mareykanka.

Hogaamiyeyaasha Falastiniyiinta ayaa diiday inay la kulmaan maadxweyne ku xigeenka Mareykanka, Mike Pence oo booqasho ku tegay dalka Israiil.

Dhaqaalaha Mareykanka uu siiyo Falastiniyiinta ayaa sannadkii 2016-ka lagu sheegay inay gaareyso 260 milyan oo doolar, halka Israiil na uu gargaar milateriga ahaan u siiyo saddex bilyan oo doolar.

Safiirka Falastiin ee Mareykanka oo ka hadlay hadalka ka soo yeeray Trump ayaa sheegay in wax xurmo darri ah aysan u muujinin Mareykanka, balse ay ixtiraamayaan xuquuqdooda.

Dr Husam Zomlot ayaa sidoo kale sheegay in haddii uu meesha ka baxdo dhaqaalaha Mareykanka ay si toos ah u saameyn doonto malaayiin qof oo ku nool gobolka.

Mowduucyada la xiriira