Fanaanka caanka ah ee Xudeydi oo BBC-da u warramay
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Fanaanka caanka ah ee Xudeydi oo BBC-da u warramay

Magaalada hargeysana, fannaanka Soomaaliyeed ee caanka ku ah kamanka ee Maxamuud Ismaaciil Xuseen XUDEYDI ayaa maalmahan halkaasi joogay si uu hoballada soo koraysa uga caawiyo isticmaalka kabanka.

Rug cadaa Xudeydi oo ka mid ah ragga lagu qadariyo heesaha cuudka ama kamanka, muddo 70 sanno ahna ku soo dhexjiray mihnaddan ayaa waxaa inoo suuragashay inaannu wareysi gaar ah la yeelanno, si aannu faahfaahin uga helno taariikhdiisa fanka, waxa uu u warramay werriyaha BBC-da ee Hargeysa Axmed Saciid Cige, oo marka hore waydiiyay xilliga uu dhashay iyo goorta uu fanka ku soo biiray?