Hamas oo ka hadashay go'aankii Mareykanka uu Ismaciil Haniyeh ugu aqoonsaday argagixiso

Hogaamiyaha ururuka Hamas, Ismaciil Haniyeh Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Hogaamiyaha ururuka Hamas, Ismaciil Haniyeh

Dowladda Mareykanka ayaa hogaamiyaha ururuka Hamas, Ismaciil Haniyeh ku dartay liiska argagixisada ee Mareykanka, kadib markii ay shegeen in Ismaciil loo aqoonsaday inuu yahay argagixiso caalami ah.

Mr Haniyeh ayaa sannadkii 2006 loo doortay Raysal wasaaraha Falastiin, balse wadamada reer galbeedka ayaa xiligaasi diiday inay la macaamilaan Ismail Haniyeh.

Afhayeen u hadlay Hamas oo lagu magacaabo Ismail Radwan ayaa waxaa uu sheegay in tallaabadaasi ay muujineyso in Mareykanka uu la saftay Israiil.

Arrintan ayaa timid kadib markii dowladda Mareykanka ay magaalada Qudusu u aqoonsatay caasimadda Israiil, taasi oo car aka dhalisay wadamada Islaamka.

Madaxweynaha Falastiniyiinta Maxamuud Cabaas ayaa horay u sheegay in Mareykanka uusan dhexdhexaad ka noqon Karin qadiyadda Falastiin iyo Israiil, madaama Mareykanka uu la saftay buu yiri Israiil.

Mareykanka ayaa dhankiisa ku hanjabay inuu jari doono dhaqaalah uu siiyo Falastiin, kadib markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu sheegay in Falastiin aysan wax ixtiraam ah u heynin Mareykanka.

Mowduucyada la xiriira