Qaramada midoobay oo dalbatay in hey'adaha gargarka loo ogolaado goobaha go'doonsan ee Suuriya.
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Qaramada midoobay oo dalbatay in hey'adaha gargarka l

Sarkaal sare oo QM u qaabilsan isku xirka howlaha gargaarka ayaa sheegay in shaqaalaha gargaarku aanay awoodin in ay gargaar gaarsiiyaan boqolala kun oo xaalad rajo beel ah ku sugan deeganaka go'doonsan ee dalka syuuriya muddo ka badan laba bilood.

Jan Egeland ayaa sidookale sheegay in xaaladu ay mareeyso halkii ugu xumeeyd tan iyo sanadkii 2015kii, waxaana uu dalbaday in hey'adaha gargarka loo ogolaado inay gargaar garsiyaan goobaha go'doonsan ee wadanka Suuriya.

Haddabo walaac ay Qaramada midoobay ka qabto goobaha ay collaadu kajirto iyo baahida ka jirta goobaha go’donsan ayaa weriyaha BBC-da Bashir Maxamed Caato waxaa uu ka wareystay Dr. Xusseen Yuunis oo katirsan xafiiska howlaha gargaarka Qaramada midoobay ee dalalka Suuriya iyo Yemen.