Arsene Wenger oo walaac ka muujiyay dhaqaalaha faraha badan ee loo adeegsado ciyaartoyda

. Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Arsene Wenger

Tababaraha kooxda Arsenal, Arsene Wenger ayaa waxaa uu sheegay in loolanka horyaalada ugu waaweyn Yurub ay baabi'yeen kooxo heysta dhaqaalo fara badan.

Wenger ayaa tusaale usoo qaatay horyaalada wadamada Fransiiska, Jarmalka, Ingiriiska iyo Spain.

Waxaana uu intaa ku daray in bishii Disembar ee sanandkii hore la wada ogaa kooxaha gu guuleysan doono horyaalada Yurub.

Wenger ayaa sheegay in arrintan aysan u wanaagsaneyn horyaalada Yurub, maadaama dhaqaalaha faraha badan ay kharibeen buu yiri tartanka horyaalada Yurub.

Kooxha horyaalka Ingiriiska ayaa bishii Janaayo la sheegay in dhaqaalo farabadan ay u adeegsadeen kala iibsiga ciyaartoyda, waxaana sidaasi si lamid ah dhaqaalo badan iyaguan adeegsdaay kooxaha ugu tunka weyn horyaalada Yurub.

Mowduucyada la xiriira