Taliban oo dad ku laysay dalka Pakistan

Lahaanshaha sawirka AFP/GETTY IMAGES
Image caption Kooxda Taliban oo weeraro ka gaysta gudaha Pakistan

Meleteriga dalka Pakistan ayaa sheegay in 11 qof lagu dilay weerar ismiidaamin ahaa oo ka dhacay meel u dhow xero meleteri.

Weerarkan ayaa ka dhacay Waqooyiga Galbeed ee dalkaasi Pakistan gaar ahaan meel ciyaaro ay ka socdeen.

Dadka weerarkan gaystay ayaa bartilmaameedsaday goobtan ay ciyaaraha lagu qabanayay oo ku tiillay duleedka xero meleteri.

Goobtaasi ayaa waxaa joogay dad daawanaya ciyaar halkaasi ka socotay oo kubbadda Koleyga ahayd.

Kooxda Taliban ee ka dagaalanta gudaha dalka Pakistan ayaa weerarkan sheegatay inay iyagu qaadeen.

Kooxdan Taliban ayaa joogitaan xoog leh ku leh gudaha dalka Pakistan weeraro badana halkaasi ka gaysta.

Pakistan iyo wadanka ay dariska yihiin ee Afghanistanba waxaa weeraro ku hayay sanado badan kooxda Taliban oo labada wadanba ka howgala.

Xuduuda labada dal ayaa waxaa degan qabiilo labada dhinacba xoog ku leh isla markaasina taageero gabaad ah siiya kooxda Taliban.