Saxafi caan ah oo ka mid ah maxabiistii Itoobiya cafisay

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Dibadbaxayaasha Ooromada

Wargayska lagu magacaabo FANA ayaa boggisa cusub ku qoray in dowladda Itoobiya ay cafis ufidisay 746 qof oo maxabiis ahaa. Waxaana kamid ah wariye caan ah oo lagu magacaabo Eskinder.

Waxaa lagu xukummay 18 sanno oo xabsi sanadkii 2012ka ,kaddib markii lagu soo eedeeyey in uu xiriir la lahaa kooxo mucaarad ah oo fadhigooda yahay Maraykanka, kuwaas oo dowladda Itoobiya ku tilmaamtay Al-qaacidda.

Waxaa sidoo kale cafis loo fidiyey siyaasi katirsan mucaaradka sida uu wargeyska FBC ku soo waramaayo.

Eskinder waxaa lagu doonsiiyey abaalmarin caalami ah oo lagu magacaabo "xoriyadda Qoraagga" kaddib markii uu soo daabacay maqaallo uu oga hadlaayo xuquuqda iyo xuriyadda saxaafadda Itoobiya.

Waxay xaqiijisay " Pen Amerika" in Eskinder uu ugu horreeyo dadka u dooda xoriyadda saxaafadda kaddibna la xiray markuu dowladda ku dhaliilay xiritaanka waryayaasha iyo dadka dowladda dhaliilo.

746-kan ayaa kamid ah kuwii ugu dambeeyey ee dowladda cafis ufidiso tan iyo intii ay balan qaaday in ay horumarinayso dib u heshiisiin tan iyo sannadkii 2015ka.

Bishii horre waxaa sidoo kale cafis loo fidiyey Merera Gudina oo ah rug cadaa mucaaradka ka tirsan.

Balse waxaa wali ka socda Waqooyiga Itoobiya mudaharrado looga soo horjeedo dowladda .

Dibadbaxayayaasha ayaa isbadel haatan rajeynaya kaddib mudo toban sanno ah oo ay kacabanaayeen dhaqaalaha iyo siyaasadda.