Uganda: Saraakiil dowladda ka tirsan oo diiwaangashtay tiro qaxooti oo been ah

Waxay xambarsan yihiin agabkoodi waxayna soo gaareen tuullada Nteko ee galbeedka Uganda

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka,

Qaxooti ka soo barakacaya Congo

Afar sarkaal oo ka tirsan dowladda Uganda ayaa shaqada laga joojiyay kaddib markii lagu eedeyay in ay ka been abuureen tirada qaxooti ay diiwaangeliyeen.

Madaxa arrimaha qaxootiga Apollo Kazungu iyo seddax kale oo ku xigeenadiisa ah ayaa lala xiriirinayaa arrimahaasi. Waxaa sidoo kale baaris lagu samayn doonnaa saraakiil ka tirsan Hay'adda Qaramada midoobay in ay ku lug leeyihiin.

Uganda ayaa hadda martigelisa qaxooti gaaraya ilaa 1.4 milyan, taas oo noqoneysa tiradii ugu badneed in ay soo gashay sanadkii 2016ka. Waxayna qaxootidaan kasoo barakaceen wadamada Koonfurta Suudan iyo Congo.

Laakiin eedeyntaan ayaa shaki galinaysa tirada la sheegay. Ilaa iyo hadda waxaa Uganda lagu ammaanaa in ay tahay waddanka ugu wanaagsan adduunka markii loo eego martigelinta qaxootiga.

Wargeyska kasoo baxa Uganda ee lagu magacaabo Daily Monitor ayaa markii ugu horreysay daabacay eedeynta isagoo soo xiganaya wakiilka qaramada midoobay u qabilsan arrimaha Uganda Rosa Malango.

Aabe xambaarsan cannugiisa oo kasoo barakacay Congo kuna sugan tuullada Nteko ee galbeedka Uganda 24kii Janaayo 2018

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka,

Uganda waxay martigelisaa qaxooti gaaraya 1.4 Milyan

Wargeyska ayaa warbixintooda ku sheegay in Rosa ay ka dhawwjisay dhowr arrimood oo ah ka mid yihiin dafiraadda tirada qaxootiga, haweenka iyo carruurta oo si xun loola dhaqmay iyo dhac loo geystay dad qaxooti ah.

Wargeyska ayaa intaa raaciyay in tirada qaxooti ee ku sugan caasimadda Kampala ay yihiin 7,000 oo qof oo aan awoodin in ay iska bixiyaan nolol maalmeedkooda balse saraakisha ayaa u diwaangashan 26,000 qof taas oo u dhaxeysa tiro dhan 19,000 ayna qaataan dhaqaalahii ku aadi lahaa dadkaasi.

Sida muuqata waxaa laga cabsi qabaa in deeq bixiyaasha ay ugu horreeyaan Maraykanka, Ingiriiska, iyo Midowga Yurub ay ka goostaan dhaqaalaha waddanka.