Faallo: Geerida hogaamiyihii mucaaradka Zimbabwe

Morgan Tsvangirai, oo ka shaqeyn jiray macdan qodista Ra'iisul Wasaarana ka soo noqday waddanka Zimbabwe ayaa waxa uu ku geeriyooday dalka Koonfur Afrika.

Ninkan oo halyey ka noqday dalkiisa kaddib halgankii dheeraa ee uu u galay dimuqraadiyadda waddanka Zimbabwe ayaa Mr Tsvangirai waxa uu ku soo caan baxay inuu qalqalgeliyo awoodda Madaxweynihii hore ee waddankaasi Robert Mugabe.

Hadaba halgankii uu dimuqraadiyadda u galay iyo caqabadii ka hor joogsaday inuu guulaysto hogaaminka dalkiisa ayaa waxaa faahfaahinaya Dr Ibraahim Faarax Bursaliid oo u warramay Cabdifitaax Ibraahim Cagayare.