Toogasho ka dhacday iskool ku yaalla Florida oo carruur lagu laayay

. Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Arday laag saarao dhismaah weerarka

Ugu yaraan 17 qof ayaa lagu dilay iskool ku yaalla magaalada Parkland ee gobolka Florida, kadib markii arday 19 jir ah uu rasaas ooda uga qaaday iskool ku yaalla halkaasi.

Ninka la sheegay inuu weerarka geystay ayaa lagu magacaaba Nikolas Cruz, waxaana uu ahaa arday laga eryay isla iskoolkaasi.

Intii uu socday weerarka ayaa ciidmamada booliska waxaa ay dhismaha iskoolka ka saareen ardaydii wax ka dhiganeesay halkaasi.

Weerarkan lagu qadaay iskoolka ayaa waxaa uu noqonayaa kii ugu ba'naa tan iyo sannadkii 2012-ka, xiligaas oo 26 qof lagu dilay iskool kale oo ku yaalla magaalada Sandy Hook ee dalka Mareykanka.

Weerarkan waxaa uu noqonayaa kii lixaad ee sannadkan 2018-ka ka dhaca gudaha wadanka Mareykanka oo ay dad badani ku dhaawacmeen.

Lahaanshaha sawirka INSTAGRAM
Image caption Ninka la sheegay inuu weerarka geystay

Sarkaal katirsan laamaha ammaanka ee Mareykanka ayaa warbaahinta u sheegay in ninka weerarka geystay uu saddex qof ku dilay afaafka hore ee iskoolka, kahor inta aanu gudaha ku dilin 12 qof oo kale. Labadaasi qof ayaana markii dambe ku naf baxay cisbitaalka.

Saddex kamid ah dadka ku dhaawacmay weerarkan ayay warraku sheegayaan in xaaladoodu ay aad u liidato, halka saddex kalena ay xaaladoodu ka soo reeneyso.

Sidee wax u dhaceen

Maalintii arbacada, mas'uuliyiinta iskoolka degmada ayaa barta tweeter-ka ku qoray in arday-da iyo shaqaalaha iskoolka ay maqleen wax u muuqday dhawaqa rasaata. Dad goobjoogeyaal ah ayaa sheegay in ninka weerarka geystay uu damiyay gambaleelka xaaladaha degdega, kahor inta aanu weerarka geysan.

Ciidammo si gaar ah u tababaran ayaa gudaha u galay dhismaha iskoolka markii uu dhacay weerarka, iyagoo na bilaabay inay dhismaha ka saaraan ardayda, waxaana markii ba gidaarka iskoolka soo dhoobtay waalidiinta ardyada iyo gawaarida gurmadka degdega.

Boolsika ayaa sidookale sheegay in Mr Cruz oo iskoolka horay looga eryay sababao la xiriira akhlaaqdiisa ay gacanta ku hayaan ciidammada booliska.

Iskoolkan ayaa waxaa dhiganayay arday gaareysa saddex kun, waxaana la sheegay in la baajiyay cashiradii laga bixinayay iskoolkaasi muddo toddbaad ah.

Arday badan oo wax ka dhigtaa iskoolka waxaa ay shegeen in dhawaqa rasaasta ay moodeen weerar tijaabo ah, maadaama weerar tijaabo ah uu dhacay waxyar un kahor weerarka.

Qaar kamid ah ardayda waxaa kale oo ay shegeen inay ku dhuunteen miisaska iskoolka hoostooda ,si ay uga badbadaan weerarka.

Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Qaar kamid ah waalidiinta ardayda

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa bartiisa tweeter-ka ugu tacsiyeeyay dhamaan ehellada iyo dadkii ay waxyeeladu ka sooo gaartay weerarka.

Tan iyo sannadkii 2013-ka waxaa iskoolada Mareykanka ka dhacay 291 weerar, taa oo isku celcelis ahaan ka dhigan in toddobaad walba uu Mareykanka ka dhaco weerar.

Mowduucyada la xiriira