Jaaliyadaha Oromada iyo Soomaalida ee Maraykanka oo go'aano soo saaray
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Jaaliyadaha Oromada iyo Soomaalida ee Maraykanka oo go'aano soo saaray

Waxaa magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka lagu qabtay, kulan ay isugu yimaadeen jaaliyadaha qoomiyadaha Oramada Iyo Somalida. Kulankan oo ay soo qaban qaabiyeen gudiyo ka kooban labada dhinac oo horay loogu xilsaaray in ay soo qiimeeyaan qasaarihii ka dhashay isku dhacyadii labada qoomkiyadood ku dhaxmaray deegaano ka tirsan wadanka Ethiopiya, ayaa waxaa looga hadlay arimo badan oo ay ka midyihin in gargaar la gaadhsiiyo dadkii ku wax yeeloobay isku dhacyadaasi.

Waxaa kaloo la islagartay in laga hortago in wixii colaad Ku abuuraya bulshooyinka walaalaha ee wadagan.

Wariyaha BBC-da Mohamed Haji Hussien, yaa waraystay, Imam Sheekh Hassan Jaamici oo katirsan Jaaliyad qoomiyada Somaalida iyo Skeekh Cumar Mohamed Ismail oo loo yaqaan Sheekh Cumar Oromo oo katirsn Jaliyada qoomiyuada Oromada.